Description
AirPods Apple 4 (2024) – Non-Active Model
AirPods Apple 4 2024 waa nooca cusub ee Apple ku soo kordhisay dhagaha wireless-ka, inkastoo uu yahay non-active model haddana wuxuu la yimaadaa tayo cod oo aad u nadiif ah iyo isku xidhnaan degdeg ah oo Apple u gaar ah. Dhagahaan waxaa loo sameeyay dadka jecel inay helaan experience fudud, raaxo leh, iyo sound clean ah iyaga oo aan ku bixin lacag badan.
Qaab dhismeedkoodu waa mid khafiif ah oo ku fariista dhegta si dabacsan, adigoo aan dareemayn culays ama xanuun xataa haddii aad isticmaasho saacado badan. Case-kiisu waa minimalist ah, wuxuuna bixiyaaa battery ku filan maalin dhan isticmaal maalin-mareen ah (calling + music). Dhagaha waxaa lagu sii dhisay touch control kuu oggolaanaya inaad beddesho heesaha, aamusiso ama aad qaadayso wicitaannada adigoon telefoonka taaban.
Waxa kale oo uu leeyahay microphone nadiifiya codadka dambe, si wicitaannadu u noqdaan kuwo cad xataa meelaha mashquulka ah. Wuxuu si fiican ula shaqeeyaa iPhone, iPad, iyo Android labadaba.
