Description
Galactomyces Pure Vitamin C Glow Serum waa serum awood sare leh oo isku dara faa’iidooyinka qani ku ah ee Galactomyces ferment filtrate iyo xoogga iftiinka ee Vitamin C, si uu maqaarka ugu siiyo dhalaal muuqda, midab isku siman, iyo caafimaad qoto dheer.
Serum-kan wuxuu si qoto dheer ugu shaqeeyaa gudaha maqaarka, isagoo caawiya:
Yareynta madowga iyo dark spots-ka, oo ay ku jiraan kuwa ka dhasha qorraxda, finanka, iyo da’da.
Kordhinta dhalaalka wejiga, isagoo maqaarka siinaya muuqaal cusub oo ifaya.
Simidda midabka maqaarka, si uu uga saaro meelaha midabkoodu kala duwanyahay (discoloration).
Xoojinta ilaalinta maqaarka, isagoo ka hortaga wasakhda, UV damage, iyo stress-ka deegaanka.
Ka hortagga gabowga hore, maadaama Vitamin C uu hormariyo soo saarista collagen-ka oo maqaarka u qaabilsan adkaanta iyo dhismaha.
Galactomyces-ka ku jira serum-kan waa maaddo dabiici ah oo caanka ku ah K-Beauty-ga, waxayna si aad ah u caawisaa:
Qoyaanka maqaarka in uu dheer sii jiro,
Yareynta daloolada,
Nadiifinta maqaarka, iyo
Hagaajinta texture-ka maqaarka, si uu u noqdo mid jilicsan, siman oo dhismihiisu hagaagsan yahay.
Dareenka serum-ka waa khafiif, aan dufan lahayn, oo si degdeg ah ugu milma maqaarka, taas oo ka dhigaysa inuu ku habboon yahay isticmaalka subax iyo fiid, kuna shaqeeya nooc kasta oo maqaarka ah — xitaa kuwa dareenka fudud leh.
